Hargeisa’s Forgotten Children



Page last updated July 31, 2009

Email this to a friendEmail This Post Email This Post             Printable versionPrint This Post Print This Post    

Kulan Laga Yeeshay Sidii Loo Joogtayn Lahaa Daryeelka Dadka Qaba Xanuunka Dhimirka

Kulan Laga Yeeshay Sidii Loo Joogtayn Lahaa Daryeelka Dadka Qaba Xanuunka Dhimirka thumbnail

Hargeysa (Somalilandpress)- Ururka SAHAN oo ka gacanta ku haya, isla-markaana daryeela dadka uu ku dhacay xanuunka Dhimirku, ayaa maanta kulan xog-waran ah la yeeshay qaybaha kala duwan ee qurbaha jooga Somaliland ee hada ku soo guryo-noqday wadanka.

kulan2
Kulankan oo ka dhacay Hoteel Crown ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu Ururku soo bandhigay qaabka ay u xaneeneeyaan, una daryeelaan dadka uu hayo xanuunka Dhimirku iyo waliba xirfado kala duwan oo dadkaas lagu baro xuramaha uu ururkani ku leeyahay magaalada Hargeysa iyo gobolada dalka.

Gudoomiyaha URURKA SAHAN, MR. BASHIIR MAXAMED JAAMAC

Gudoomiyaha URURKA SAHAN, MR. BASHIIR MAXAMED JAAMAC

Gudoomiyaha Ururka SAHAN, Mr. Bashiir Maxamed Jaamac oo ugu horayn kulankaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyay sababtii ku keliftay inay ururkani sameeyaan, isaga oo farta ku fiiqay dhibaatooyinka baaxada leh ee la soo dersa dadka xanuuunka maskaxda kaga dhaco, taasoo uu tilmaamay in aanay saaxiib la noqdeen Dhaxanta, Kulaylka wakhtiyada Xagaaga, Gaajada iyo nadaafad-darada. Isla-markaana waxa uu u soo jeediyay dadkii qurba jooga ahaa ee kulankaasi ka qayb-galay in maadaama aanay dadka maskaxda ka bukaa soo bandhigi Karin baahiyahooda aasaasiga ah uu xil ka saaran yahay bulshada la deriska ah. “Wadanka marka aan eegno, Guri kasta oo ay ku nool yihiin 5 Qof, waxa ku jira Hal qof oo waalan. Taas oo la odhan karo waxa keena oo ay ugu badan yihin Balwadaha uu Jaadku ugu horeeyo iyo shaqo-la’aanta oo soo raacda. Dadkani waxay dhibaato wayni ka haystaa Bacadka cadceeda, dhaxanta, roobka iyo kulaylka xad dhaafka ah wakhtiyada cimiladu kulushahay.” Ayuu yidhi Gudoomiye Bashiir.

kulan4
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray oo yidhi: “Waxa igu kelifay in aanu ururkan samayno, markii iigu horaysay waxaan arkay wakhti Ramadaan ah, waad ogtihiinoo Ramadaanta qofku marka uu soomanaa wuu soo afur doontaa isaga oo maanta oo dhan gaajoonayay. Bal waxaad ka warantaan dadka aan xiskoodu dhamayn Ramadaanta iyagu markay Afarka isa soo dultaagaan hoteelada, waxa erya oo aan cunto siin dadka hoteelada leh. Ramadaanta oo dhan sidaas ayay ku dhamaystaan. Markaa waxa laynooga baahan yahay inaynu u gurmano.”

kulan3
Waxa kale oo iyana munaasibadaasi ka hadlay xubnihii qurba jooga ahaa ee ka qayb-galay, waxayna iska daba-mareen oo ay soo jeediyeen sida ugu haboon iyo talooyinka ay la tahay inay iyaguna ku caawin karaan ururkan SAHAN ee isagu dhabarka u ritay inay daryeelo dadka dhimirku ku dhacay.

kulan5
Ururkan SAHAN oo waxa uu mudooyinkii u dambeeyay ku hawlanaa sidii uu u soo ururin lahaa, u daryeeli lahaa, dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, iyaga oo ay la shaqeeyaan dhakhaatiir mutadawiciin ah oo iyaguna dhinaca caafimaadka ka caawiya.

kulan6
Sidoo kale, farsamooyin lagu shaqaysto ayay baraan dadka dhimirku ku dhacay. “Waxaanu barnaa, tusaale ahaan Jaajuurka oo Makiinadii lagu samaynayay aanu leenahay, electric-ga, waxa aan la yaabay marka ay dadkani shaqeeyaan halkii laga siin lahaa lacagtooda ayaa waxa nalagu yidhaahdaa dee way waalwaalan yihiine lacagta markay dhameeyaan ayaanu siinaynaa. Waxaan leeyahay ha nalaga daayo. Waxaan ka codsanayaa qurba-jooga halkan isugu yimi inaad bal naga iibsataan waxaanu samayno sida Taahyada guryaha hadaad u baahantaan, jaajuurka iyo waxyaalo kale oo ay dadkani barteen.” Ayuu yidhi Gudoomiye Bashiir ka waramayay farsamooyinka ay barteen dadka qaba xanuunka Dhimirka ee ay gacanta ku hayaan.



Published by: Abdiqani

This website uses IntenseDebate comments, but they are not currently loaded because either your browser doesn't support JavaScript, or they didn't load fast enough.





HAVE YOUR SAY & REVIEWS

KENYA: Warming up to Somaliland

KENYA: Warming up to Somaliland
But Kenya which has a significant number of expatriates in the region is reassessing its position...

YOUTH: The Ambassador of Future

YOUTH: The Ambassador of Future
This very agony has engulfed her first-born baby. Her only light was snuffed out and was butchered...

Somaliland to contract French firm in running of major port

Somaliland to contract French firm in running of major port
Bolloré Africa Logistics is expected to take over the Berbera port with an investment worth $700 million...



Related Stories

  • Random stories

LATEST NEWS HEADLINES

ALSO IN THE NEWS

Somali Students, cultural tension rising in St. Cloud thumbnail Somali Students, cultural tension rising in St. Cloud

NPR’s reporter, Amber Espinoza investigates growing tension and cultural clash between students of Somali descent and non-Somali students in St. Clouds in Minnesota.
St. Cloud, Minn. 17 March, 2010 — The Facebook group, “I hate the Somalians at Tech High,” didn’t live online for a long time, but word traveled fast among high school students in [...]

TOP NEWS

Jordan’s Abdullah: Israel trying to rid Jerusalem of Arabs thumbnail Jordan’s Abdullah: Israel trying to rid Jerusalem of Arabs

HAVE YOUR SAY

HAVE YOUR SAY Is Somaliland getting recognized?

SomTel Launched

SomTel Launched Dahabshiil’s SomTel International launched

MORE NEWS HEADLINES


RSS feed Subscribe to our feed       Delicious Are we delicious?       Digg Add us to Digg       Technorati Bookmark us       Flickr Somaliland Photos