Press Ahead

Information
External Links
Page last updated July 2, 2009
Hargeysa (Somalilandpress)- Gudoomiyaha Degmada Tog-wajaale, Md. Cumar Aadan Qaasaali ayaa Somalilandpress faahfaahin ka siiyay waxa uu salka ku hayay mudaharaad muddo ka socday magaaladaas oo ay dadweynuhu kaga cabanayeen gaadhi Jaad siday oo ka soo baxsaday dhinaca ciidanka Itoobiya, kaasoo aan cashuurnayn, ka dib markii uu Somaliland dhinaceeda soo gaadhayna in loo cashuuro Jaadka Kootarabaanka kaga soo baxsaday Itoobiya oo iyadu dalbatay in dib loogu soo celiyo. “Waxay iska hayd waxaan ku qiyaasi karo warxumo tashiil inay ka shaqeeyay, runtu waxay ahayd baabuur Somaliland soo galay oo Itoobiya ka soo baxsaday jaad siday taasay ka cabanayeen, xaaladii baabuurka gacanta ayaanu ku dhignay, fikirka dadka ka yimi waxay ahayd in Taliyaha Booliska iyo Inankii Kastamka joogay ay ka wada hadleen xaladiisii Baabuurka, oo ay isku haysteen baabuurka Itoobiya u celi iyo u celin-maayo, dadkiina fasir khaldan oo ah inay ku dagaalamayaan baabuurka waan celinaynaa iyo ma celinayno ayaa looga dhigay.” Sidaas ayuu yidhi Gudoomiyaha Wajaale, isaga oo ka jawaabayay inay arrintani saamayn ku yeelatay isu-socodkii labada wadana waxa uu yidhi; “wax carqalad ah ama wax dhibaato ah, oo isu socodkii iyo isku gudubkii ay wax raad ah oo ay ku yeelatay ma jirto, xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya wuu qaan-gaadhay oo waa hana qaad, mana aha baabuur iyo wax si khaldan ay dadku u turjumeen ay isku maandhaafi karaan maaha. Runtii way jirtay xaaladaas dad badan oo ka cawday habeen dhawayd arrin baabuur, wargeysyadu waxay qorayeen ilaa laba saacadood inuu mudaharaad gilgilay ka dhacay Wajaale, may ahayn arrin hore uga dhici jirtay, xaaladaasi way jireen dad buuqayay, laakiinse wax markiiba dhamaaday ayuu ahaa hanti iyo cid wax ku noqotay may jirin, hadana hadal wax dhaafsiisan oo la sii hadal-qaado mooyaane sheeko mooye wax ka jiraa ma jiraan.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha oo Wajaale ugu waramayay Weriye Cabdiqani Xuseen Baynax oo halkaasi safar laba maalmood qaatay ku joogay si aanu ugu kuur-galo xaalada nabadgelyo ee magaalada-ganacsiga Wajaale.

Gudoomiyuhu isaga oo ka wajaabayay su’aal aanu ka waydiinay inay jirto in dawlada Itoobiya ay xidhatay xadkeeda ay la leedahay Itoobiya, isla-markaana ay Hargeysa ku xaniban yihiin dadweyne badan oo dan u lahaa wadankaasi, isu-socodkuna haatan aanu jirin marka laga reebo dhinaca ganacsiga, taasoo ay aad uga cabanayaan Gaadiidleydii isaga gooshi jirtay Wajaale iyo Hargeysa ee Rakaabka qaadi jiray, iyada oo ay Maalintii 2 gaadhi u kala baxaan haatan Hargeysa iyo Wajaale, halkii ay hore uga kala bixi jireen ilaa dhawr iyo toban gaadhi oo rakaab sida, waxa uu Gudoomiyuhu kaga jawaabay su’aashaas sidan; “Waa su’aal wanaagsan, hawshaasi xuduuda labada dal wax dhib ah oo ka jirtaa haba yaraatee ma jirto, habkii isu socodka sifaha sharciga ah waa sideedii wax iska bedelayna ma jiro, sifadii sharciga ahayd ayay ku jiraan. Wax carqalad ahina kama jirin.”

Gudoomiyaha waxa kale oo aanu wax ka waydiinay Ey dad-cun ah oo ay dadka Wajaale ku nooli khaatiyaan ka taagan yihiin, kuwaaasoo siday u joogaan iyada oo aan laga warqabin dadka Qaniiyo kula soo boodaya, waxaana uu Gudoomiyuhu xaqiijiyay inay arrintaasi jirto, dad 25 qof ah ay ilaa iminka gaadhayaan dadka ay qaniineen Eydaasi. Isaga oo xusay in aanay hayn wax ay ku laayaan Eydaasi, balse ay dhawr jeer sumeeyeen, ka dibna aanay dabar-go’in oo ay inyar oo ka mid ahi dhinteen.” kollay xaaladaasi waa xaalad soo noqnoqatay muddo aan ku qiyaasi karo march ilaa maanta, maaha Ey Sumaysan laakiin waxa weeyaan Ey xanuunsatay oo walaatay, markaa waxa laga yaabaa Eygu marka uu waalida qaadaba waxa uu qaadayaa inuu wax qaniino waxa laga yabaa inay dad badan ka gaadhsiiyaan qaniinyo, bishii haduu mid waasho intuu dhib gaysanayo ayaa badan, labada jeer ayaanu sumaynay, qaar way dhinteen, qaarna way ku dhiman waayeen, mushkilada ugu badanina waa suntii lagu dili lahaa ayaanaan hayn. Tirada dadka ay waxyeelo u gaysteena waa 25 qof”
Waxa kale oo aanu waydiinay xaalada abaaraha ee deegaankaas ka jirta; “Waxay la qabtaa arrimahaas gobolada dalka, wajaale waa goobaha ugu roon marka la eego, waase goobaha sida daran u dareemaya abaarta, maadaama ay yihiin dad beerolay ah oo ku xisaabtama xiliyada, iyada oo iibkii xooluhuna meesha ka baxeen waa dhib aanu wadanka la qabno.”
Gudoomiyuhu waxa uu ugu baaqay inay ka soo qayb-galaan aqoonyahanka iyo ganacsatada reer Wajaale fadhi wada-tashi ah oo ay dhawaan ugu yeedhi doonaan, kaasoo lagaga arrinsan doono arrimaha horumarka Wajaalel.”dhawaan waxaanu samaynaynaa fadhi ay wada yeeshaan aqoonyahanka Wajaale, waxaan ku dhiiri-gelinayaa shakhsi kasta oo aqoon leh ama hanti leh oo wax ka soo bartay degmada, ama wax ka mid ah waxgaradka dalka shirkaas oo aanu ku dhawaaqi doono todobaadyada soo socda oo aanu kaga wada hadli doono sidii ay degmadu u heli lahayd waxbarasho taabo-gal ah.”
Ugu dambayntii waxa uu ka warbixiyay waxyaalaha ugu badan ee ay ka cawdaan dadka reer Wajaale, “Dadka reer Wajaale badidoodu waxay dhaqaalaha ka helaan ganacsiga ka socda wajaale, waxaanu balan-qaadaynaa in aanu culayska qaadno, oo la tashi la samayno, oo aanu gacmo furan ku soo dhawayn ganacsatada ka shaqaysata degmada oo aan is leeyahay waa dadka ku soo kordhiyay inay Wajaale noqoto Deked Qalalan, waa in aanu raali-gelino, ilaalino, dhawrno ganacsatada, maadaama aan inta ugu badan aan noloshada ku soo qaatay ganacsi waxaan isleeyahay ganacsiga iyo waxbarashaduba labada aan isleeyahay cid walba waad uga dhawdahay.
Magaalo wajaale oo qiyaas ahaan u jirtay caasimada Hargeysa masaafo dhan 80KM, magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida Killilka 5-aad ee Itoobiyana 60-Km, waa magaalo Ganacsi ku kulmisay saddexda wadan ee Somaliland, Itoobiya iyo Jabuuti, waxa toos looga dejiyaa badeecadaha ka soo dega dekedda Berbera, waxa ku yaala Bakhaarada iyo Hangarada ugu waawayn Somaliland ee kaydka ganacsatada Somaliland, ganacsigeeduna waxa uu u kala gudbaa saddexdaa wadan ee aynu soo sheegnay, sidaa daraadeed waxa lagu naanaysaa “Dekedda Qallalan”.
Published by: Mo Guled
One Comment on "Waa sidee Xaalada Magaalada Wajaale (Dekedda Qalalan) Xogwaraysi aanu kala yeelanay Gudoomiyaha Degmadaas?"
HAVE YOUR SAY & REVIEWS
KENYA: Warming up to Somaliland
But Kenya which has a significant number of expatriates in the region is reassessing its position...
YOUTH: The Ambassador of Future
This very agony has engulfed her first-born baby. Her only light was snuffed out and was butchered...
Somaliland to contract French firm in running of major port
Bolloré Africa Logistics is expected to take over the Berbera port with an investment worth $700 million...
LATEST NEWS HEADLINES
ALSO IN THE NEWS
SOMALILAND: A Walk Through International Women’s DayHARGEISA, 9 March 2010 (Somalilandpress) – The news and events of the last two months have been harsh, with earthquakes ravaging whole cities, and families and children suffering. SOS Children’s Villages continues to respond to these situations in force, while also taking a moment too reflect on women, mothers and girls around the world. Please [...]
TOP NEWS
Foreign officials suspected of rights abuses should be deportedHAVE YOUR SAY
Is Somaliland getting recognized?SomTel Launched
Dahabshiil’s SomTel International launched MORE NEWS HEADLINES
Daily Popular
gaani on Fri, 3rd Jul 2009 3:06 am
"keep drinking the kool aid".