Hargeisa’s Forgotten Children


Page last updated July 2, 2009

Email this to a friendEmail This Post Email This Post             Printable versionPrint This Post Print This Post    

Waraysi aanu la yeelanay Nin Chenese ah oo 122 Dal Baaskiilad ku soo Maray (Jabuuti ayuu goordhawayd soo gaadhay, Somaliland-na wuu ku soo fool leeyahay)

Waraysi aanu la yeelanay Nin Chenese ah oo 122 Dal Baaskiilad ku soo Maray (Jabuuti ayuu goordhawayd soo gaadhay, Somaliland-na wuu ku soo fool leeyahay) thumbnail

Jabuuti (Somalilandpress) Nin u dhashay wadanka China, oo lagu magacaago Li Yue Zhong, da’diisuna tahay 52 jir oo socdaal uu u adeegsaday Baaskiilad ku soo maray 122 dal oo wadamada Dunida ah ayaa goor dhawayd soo gaadhay wadanka Jabuuti, ninkan oo socdaalkiisa ka soo bilaabay gobolka Mangolia oo ka tirsan China, hase yeeshee loo aqoonsaday dal ka madaxbanaan China ayaa waxa uu socdaalkiisa bilaabay 6-dii March sanadkii 1997-kii, sida uu u sheegay Somalilandpress oo uu ugu waramayay magaalada Jabuuti markii uu soo gaadhay, isaga oo ka soo kicitimay wadanka Itoobiya, isla-markaana soo fool leh wadanka Somaliland oo noqonaya wadankii 123-aad ee uu ku soo maro Baaskiilad ninka Chinese-ka.

Li Yue Zhong oo u waramayay Weriye Maxamed Haaruun oo ka tirsan Somalilandpress waxa uu sheegay in aanay jirin cid ka caawisay safarkiisan, ee uu isagu isdabarayay. Mar aanu waydiinay wakhtiga ugu dambaysay xaaskiisii iyo caruurtiisii iyo in uu u hilloobay maadaama uu wakhti dheer ka soo maqnaana waxa uu ku jawaabay, “waan ka xumahay, Anigu xaas ma lihi, mana guursan waligay”.

Wuxuu ugu yaabka badnaa intii uu ku guda-jiray safarkiisan Baaskiilada ayaanu waydiinay ninkan Chenese-ka waxaana ku jawaabay; “Waxa aan aad ula yaabay wadanka Suugaan kulaykiisa oo habeenkii gaadhay 47 Li Yue Zhong.” Isaga oo ka wajaabay sidoo kale wixii ka farxiyay intii uu safarkiisan ku jirayna waxa uu yidhi mr Li; “Wadanka Turkiga waa wadankiigu iigu wanaagsanaa dhinaca soo dhawaynta intii aan adduunka socdaalka ku marayay, laakiin waxaan odhan karaa dhaqanka Islaamka aad buu u wacan yahay, waayo wadamadii iigu sooryada iyo soodhawaynta wacnaa aduunka waa wadamada islaamka, ama Islaamku ku badan yahay, Sudan ayaanan xataa ilaabayn sidii laygu soo dhaweeyay”

Waxa kale oo uu yidhi mar aanu waydiinay fikrada bal uu ka haysto wadanka Somaliland oo noqonaya wadankii 123-aad ee uu socdaalkiisa ku maro oo aan ilaa hada aqoonsi caalami ah ka haysan caalamka. “Eeg kani waa Maakba Somaliland (Khiiradada Somaliland) si fiican baan u garanaya, fikrad wanaagsana waan ka haystaa, waxaan ka aaminsahay inuu yahay wadanka ugu soo dhawaynta wacan aduunka dhinaca Ajnebiga, sidaana waxa ii sheegay dad badan oo aan la kulmay oo Somaliland hore u yimi.”

Waxa uu sheegay inuu sito Maap tusinaya meel kasta oo uu socdo, isla-markaana waxa uu xusay in imaatinkiisa Somaliland uu qaadanayo muddo 3 maalmood ah inuu ku soo jeexo Baaskiiladiisa masaafo dhan 285,
Waxa uu sheegay inay 5 sano ku qaadanayso inuu ku soo dhamaystiro socdaalkiisan wadamada caalamka inta uga hadhsan.

Ninkan ayaa waxa uu ku raran yahay oo dhamaanba sitaa agabka u saamaxaya inuu wax karsado iyo sahaydiisa.

Exclusive for Somalilandpress



Published by: Mo Guled

This website uses IntenseDebate comments, but they are not currently loaded because either your browser doesn't support JavaScript, or they didn't load fast enough.

One Comment on "Waraysi aanu la yeelanay Nin Chenese ah oo 122 Dal Baaskiilad ku soo Maray (Jabuuti ayuu goordhawayd soo gaadhay, Somaliland-na wuu ku soo fool leeyahay)"

  1. Vote -1 Vote +1Yonis on Fri, 3rd Jul 2009 12:10 am 

    Thats impressive congratulations to him now thats something traveling across 122 countries using a bike!





HAVE YOUR SAY & REVIEWS

KENYA: Warming up to Somaliland

KENYA: Warming up to Somaliland
But Kenya which has a significant number of expatriates in the region is reassessing its position...

YOUTH: The Ambassador of Future

YOUTH: The Ambassador of Future
This very agony has engulfed her first-born baby. Her only light was snuffed out and was butchered...

Somaliland to contract French firm in running of major port

Somaliland to contract French firm in running of major port
Bolloré Africa Logistics is expected to take over the Berbera port with an investment worth $700 million...



Related Stories

LATEST NEWS HEADLINES

ALSO IN THE NEWS

Appeal For Urgent Humanitarian Assistance and Livelihood Support For Humanitarian Crises Prevention in Somaliland thumbnail Appeal For Urgent Humanitarian Assistance and Livelihood Support For Humanitarian Crises Prevention in Somaliland

Hargeisa, 6 February 2010 (Somalilandpress) – Predictions were made that food security and nutrition situation may worsen in most parts of Somaliland by Food Security and Nutrition Analysis Unit (FSNAU) of FAO in its early warning briefs .
Some of the reasons cited included:
i. Poor “deyr” rains that preceded by dry “Hagaa” season which negatively affected pastural [...]

MORE STORIES

Djibouti, Somalia urge enforcing sanctions on Eritrea. thumbnail Djibouti, Somalia urge enforcing sanctions on Eritrea.

THE WOW FACTOR

THE WOW FACTOR Send us your opinions and views.

DOWNLOAD SOMALI MUSIC

DOWNLOAD SOMALI MUSIC Somalioz - Download Somali Music

MORE NEWS HEADLINES


Shamo Hotel Blast

KENYA: Warming up to Somaliland


RSS feed Subscribe to our feed       Delicious Are we delicious?       Digg Add us to Digg       Technorati Bookmark us       Flickr Somaliland Photos

# #