Press Ahead

Information
External Links
Page last updated June 8, 2009
Waxaan Hawada idiin soo marinyaa, salaan qaali ah, haddii aad tihiin Saxaafadda, suxufiyiinta, iyo macaamiisheeda, waxaan salaantaas mid la mid ah u dirayaa dhammaan dadweynaha reer Somaliland, Debed iyo Gudaba, waxaan idiin rajaynayaa wadajir caam ah iyo Nabadgelyo taam ah. Sidaa iyo si le’egna waxaan Illaahay u baryayaa Soomaalida kale ee walaalaheen ah inuu nabad ku soo dabaalo, Wahabkana ka kiciyo AAMMIINN.
Maantana waxaan doonayaa inaan waxyar ka idhaahdo, Saraakiisha ay U.N.ku dib u abaabulayaan, gaar ahaan Waddanka Mareykanka, iyadoo larabo in dib loogu soo celiyo Waddankii la odhan jiray Soomaaliya, taas oo dareenkeeda leh.
Waxaan arkayey Muj. Muuse Biixi Cabdi oo maqaal soo gaadhsiiyey Warbaahinta, taasoo uu kaga warramayo mowduucan ku saabsan dhiigyacabyadii ka qayb galay Xasuuqii ka dhacay meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah guud ahaan, gaar ahaanna Goballaddii hore Waqooyiga Soomaaliya maantana ah Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas muuse kuwa uu ka timaamay waxaa ka mid G. Maslax Maxamed Siyaad Barre iyo SG. Maxamed Cali Samatar iwm. Haddaba Muuse waxaan leeyahay Adeer muusow Soomaalidaa ku maahmaahda nin aan waxa jooga garan, ma garto waxa soo socda, waxaan sidaas u leeyahay, maaha maanta oo aan 18 sano joogno inaan arrintan ka hadalno, ee waxay ahayd inaan tan iyo maalinttii aan nimankaas Waddanka ka xoreynay aan daba-joogno in la baadi doono waxii dhacay, qalab qaadano meeshii ay ku danbeeyeen,U.N. kan maanta abaabulayana ku caddaadino inay waajibka ay sheegaan ee xaquuqul insaanka ka saaray kaga aar-gutaan, sharciga ay sheegaanna ku soo oogaan, lana weydiiyo waxii ay ka galeen Ummadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaanna Ummadda ku dhaqan Somaliland. Arrintaas waxaa loo waayey markaynu inanagu kala dhammaan weyney, farahana ka qaadnay, SNM dhexdeeda kala kor-jooggeysatey, Siyaasiintu kala dhammaaan weydey, Saraakiishii SNM waxii ka soo hadhay Ilaabeen maalmihii qadhaadhaa, ee ay soo mareen, taas ayaa ujeeddaddii guud iyo Himiladii Taariikhdu ku luntay, taasina waxay horseeday, in nin aan geyini Guursado, inuu dabagalkeeduba adkaado, in suureynteeduba qiir,qiir gasho, waxyaabahaasi waxay lumiyeen yididiiladii guud ahaan mujaahidiinta, iyo Ummaddii ay Halganka u galeen. Waxaan xasuustaa iyadoo Iid latukanayo oo Roob Da’ay Daadkuna keenay boqolaal qof oo madaxweynihii jooga kuna tiraabay dadkaasi waxay u dhinteen Mijin Jaad ah, markay innaga sidaas inooga qaldan tahay dadkii la Cidhib-tiray loona xasuuqay wax, wax lagu suureeyo aan la garaneyn, miyaan cadawgu baxsaneyn Adeer Muusaw, maxaa ka dambeeyey, in maamulkii dambena marka laga hadlayo waxyaabahii dhacay, iyo xasuuqiiba ay isu qaataan in iyaga laga hadlayo, oo ilaawaan baadi-goobka loogu jiro waxa loogu dawgalay dadkan gumaadkooda,halkay ka raadin-lahaayeen macluumaad ku saabsan waxyaabihii dhacay, iyo ciddii ka dambeysey.
Waxaan in badan anigu wax ka qoray arrintaas, waxaan maqaallo, badan ku soo gudbiyey, Warbaahinta madaxa bannaan inkastoo dhib badanni igala kulantay, oo xataa mareegaha qaarkood soo qoriwaayeen maqaalladaas, taas oo aan xataa in badan uga cawday , una sheegay waxaan doonayaa inay yihiin in la ogaado waxyaabihii dadkaas ku dhacay, taas oo ay u baahan yihiin, xaqna ay u leeyihiin dhammaan dadka sheegta magaca Soomaaliyeed, si loo baadi goobo dadkii ka dambeeyey, waxaa jira cid badan oo ka soo horjeeda baadhitaanka ammuurahaas, waxaana ka mid ah Dawladdii Hubka u keeni jirey Taliskii Maxamed Siyaad Barre oo aan dooneyn in arrintaas wax laga ogaado, laakiin arrinta iigu yaabka badani waxay tahay maxay doonayaan Warfaafinta reer Somaliland ee diidey in ay ka qayb galaan baadi-doonka iyo xog ururinta xasuuqii ka dhacay kuna dhacay dadkooda iyo Dalkoodaba, yaa doonaya, ama ay ku hallaynayaan daba-galkeeda, Madaxda SNM yey ku haleeyeen, maxay u riixiwaayeen Guddiddii loo saaray dabagalka arrintaas ha hayaan Xil Dawladdeed,ama yey haynba’e maxaa u diidey inay arrintaas ka midha-dhaliyaan, maxaa loo adkeyn waayey in arrintaas la geeyo Ururada sheegta Xaquuqul Insaanka, iyo Maxkamadaha caalamiga ah haddii ay jiraanba,arrinku miyaanu ahayn Duqo ninkiin lahaa dabada hayo ma kacdo, taas macnaheedu waa innakaa ka seexanay, maantana dee iska soo noqde, nimankii waxii ka noolaa, awood dambena ku soo noqotay.
Anigu waxaan isku deyey inaan qof ahaan dhawr jeer arrintaas Dood ka furo, maqaallo badanna waan daabacay, waxaa ka mid ahaa haddaan qaar idin xasuusiyo, maqaalladaas kuwan soo socda:
XASUUQII GOBOLLADA WAQIIYI (GAAR AHAAN DURIYATUL ISAAQIY), DAWLADDA,IYO DADKA REER SOMALILAND DAADKAA DHAAMMA, XASUUQII JAZIIRA, CIDHIBTIRKII TALISKII SIYAAD BARRE IWM.
Waxaan maqaalladaas u diray inta badan mareegaha wararka ee Somaliland, waxaan weliba qaar ka mid ah u Wakiishay inay dood arrintaas ka furaan mana dhicin marka laga reebo Mareegta Ramaasnews. waxaa kale oo aan mahad u naqayaa iyana Mareegta Oodweynenews. Golisnews. Waxaan u diray Joornaalada madaxa bannaan ee Haatuf, waxaan u diray Jamhuuriya, waxaan in badan u diray Hadhwanaagnews, oo weliba ahayd taan ugu hankaweynaa, waxaa soo dhanna waxaan ugu jeedey in inta goori-goortahay in arrintaas dabagal lagu sameeyo.
Maantana waxaa iga codsi ah inaan arrintaas ka midho-dhalinteeda u wada guntano, Guntiga Dhiisha iskaga dhigno, ogaano inaan Halgankii dhammaan ee weli socdo, dhibtii, Dulmigii iyo musuqmaasuqi weli joogo, loona baahanyahay suulintiisa, lana baadi-doono Gacanku dhiiglayaashii, iyo dadkii ama Dawladdihii ka dambeeyey Cidhibtirka loo geystay dadkaan waxba galabsan, Soomaalina halkaas dhigay, magaceediina Ciidda la simay, welina ku wada kuwaas oo Dawladdo shisheeya dabada ka riixayaan ilaa maanta.
Geba-gebo waxaa iga ah dib ha loo abaabulo Guddiddii uu maamulkii u horeeyey u saaray daba-galka arrintaas Charity madax bannaan ha loo sameeyo, abaabul xoogganna hala saaro, midnimona halagu qaabilo arrintaas, gaar ahaan waxaan markale doonayaa inay qayb Libaax ka qaataan arrintaas Saxaafadda Somaliland guud ahaan iyo gaar ahaanba, mid Dawladdeed iyo ta madaxa-bannaanba, dadweynaha, Mujaahidiinta, Dawladda Somalilandna ogaada Xil gaar ah ayaa arrintaas idinka saaran sidaad doontaanba idinku u arka, waxaan wacyi gaar ah farayaa waa madaxdii Mujaahiddinta, iyo aqoonyahankaba.
Xidhiidh waa Axmed Saciid Bootaan.
Mobile: 0447859310201
Published by: Abdiqani
One Comment on "NIN AAN WAXA JOOGA GARANINI, WAXA SOO SOCDA MA GARTO."
HAVE YOUR SAY & REVIEWS
KENYA: Warming up to Somaliland
But Kenya which has a significant number of expatriates in the region is reassessing its position...
YOUTH: The Ambassador of Future
This very agony has engulfed her first-born baby. Her only light was snuffed out and was butchered...
Somaliland to contract French firm in running of major port
Bolloré Africa Logistics is expected to take over the Berbera port with an investment worth $700 million...
LATEST NEWS HEADLINES
ALSO IN THE NEWS
Foreign officials suspected of rights abuses should be deportedWASHINGTON (Somalilandpress) — IN THE SUMMER of 1988, Aziz Deria had left Somalia and was living in the United States when he heard the horrible news: His father, Mohamed, and brother, Mustafa, had apparently been dragged from their home and murdered by Somali soldiers intent on killing members of the Isaaq clan.
Mr. Deria, now a [...]
TOP NEWS
US Firm Urges Affordable Internet Access for East AfricaHAVE YOUR SAY
Is Somaliland getting recognized?SomTel Launched
Dahabshiil’s SomTel International launched MORE NEWS HEADLINES
Daily Popular
Jaamac on Tue, 9th Jun 2009 11:47 pm
Something needs to be done about former faqash killers