Press Ahead

Information
External Links
Page last updated May 29, 2009
Hydrabad (Somalilandpress) — 71 Arday oo ka mid ah Ardayda reer Somaliland ee wadanka Hindiya Waxbarashada ugu baxay ayaa ka Qalin-jebiyay Jaamacadaha Wadankaasi, iyaga oo bartay Culuunta kala duwan ee ay ka mid yihiin Dhaqaalaha (Commerce), Barashada Culuunta Computerka (Computer Science), Habka Baadhitaanka Caafimaadka (Medical Laboratory), Culuunta Barashada Siyaasada (Political Scince), Injineernimada iyo Culuun kale oo tiro badan oo wadanku aad ugu baahan yahay, baahiyo badana dabooli doonta marka ay soo guryo-noqdaan.
Tirada Ardaydan Qalin-jebisay oo noqonaysa tiradii ugu badnayd ee Arday reer Somaliland ah oo ka soo qalin-jebiya Jaamacadaha Hindiya, ayaa waxa loo qabtay Munaasibad aad u qurux badan oo Shahaadooyinka lagu gudoonsiiyay, Ardayduna ugu dabaal-dageen dhamaystirka Culuuntooda, xafladaasina waxay ka dhacday magaalada Hyderabad Hoteel ku yaala oo loo yaqaano TajBajira oo ah Hoteelka ugu wayn wadanka Hindiya.


Calanka Somaliland iyo Madaxweyneyaashii 3-da ahaa ee u kala Dambeeyay Talada Sawiradoodii oo lagu Xardhay Hoolka Xaflada
Hoolka ay Munaasibadani ka Dhacday ayaa sida Sawirada ka Muuqata waxa lagu Xardhay Calanka Somaliland, iyada oo Gidaaradana la Sudhay Sawirada 3 Madaxweyne ee soo Maray Somaliland oo Laba ka mid ah Geeriyoodeen Alle ha u naxariisteen Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo waliba Madaxweynaha wali xukunka talada wadanka haya ee Daahir Rayaale Kaahin.

Hadaba Warbixinta Xafladaas oo Somalilandpress si gaar ah u soo gaadhay ayaa waxa ka waramaya Axmed Aw Jaamac oo ka mid ah Ardayda Qalin-jebisay waxaana uu ku bilaabay warbixintiisa: “Xafladu waxay ku bilaaban tahay jawi dagan oo si heer sare loo soo agaasimay, waxaanay ka dhacaday Hotelka Taj banjira oo ah hotelada ugu sareeya dalkan India, kuna yaala magaalda Hyderabad, waxa xaflada bilaabay oo xidhiidhiyaha xaflada ahaa Mr Xasan Cabdiqadir Kaarshe, oo Micrafoonka ku soo dhaweeyey professorada ka socday jaamacadaha ay ka qalin-jabiyeen ardaydan, marka hore waxa stageka lagu soo dhaweeyey The new Vice-Chancellor of Osmania University T.Tirupati Rao. Waxa mar labaad Micrafoonka lagu soo dhaweeyey principilada cellegeyada kala duwan ee Osmania University oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay.

Hadaba sidii caadada ahayd waxa lagu bilaabay xaflada Quraanka kariimka ah oo uu akhriyay sheekh Cabdiqani Cabdilahi, ka dib waxa si sawaxan ku jirto oo xamaadaysan lagu soo dhaweeyay stageka vice chacellor of osmania oo halkaa ka soo jeediyay Khudbada aad u wada taabatay ardayda taaas oo uu kaga hadlay muhiimada ay waxbarashadu leedahay iyo siyaabaha looga faa.iidaysto, Mr T.Tirupati Rato isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay ay yihiin Ardaydani kuwo leh mustaqbal ifaaya. waxa uu yidhi waxaad tihiin madaxwaynayaashii iyo safiiradii beri ee dalkiina Hooyo, waxa uu ardayda ku booriyay in ay waxbarashada sii wataan oo ay ka gaadhan heer sare ilaa P.H.D, isla markaa waxay ardaydii qalin jabinaysay isku dartay sacab iyo sawaxan iyagoo ay ka muuqatay ardayda runtii shucuur aad u saraysa oo ay ku faraxsanaayeen sida ay hadafkooda u gaadheen.

Gudoomiye ku-xigeenka Jaamacada Osmania Mr T.Tirupati Rato
Hadaba Mr T.Tirupati Rato waxa uu yidhi (Marna ilaawi mayno arday kasta oo wax ka bartay jaaamacadan Osmanai liiskaygana waa noogu jiraa idinkuna hana ilaawina,
ka dib Mr Xasan waxa uu stageka ku soo dhaweeyay mar labaad Mr T.Tirupati Rato si uu ardayda u gudoonsiyo shahaadooyinka, isla markaa ardaydii ayaa mid-mid loo gudoonsiiyay shahaadooyinkii;
Iyadoo xafladu badhtanka markaysa, Khudbado badan ay soo jeediyeen principalada collegeyada ay ardaydu dhigato ka dib stageka waxa lagu soo dhaweeyay Mr Baashe Maxamud Faarax

Mr baashe waxa uu soo jeediyay Khudbadan ku saabsan Jamuuriyada Somaliland iyadoo professorada halkaa joogay inay yidhaahdaan Republic Of Somaliladn Hindidii qaarkood ay ku adkaatay markii ay khudbada soo jeedinayeen. Laakiin iyada oo ay ku adagtay ay lahaayeen, Somaliland si hagar la’aan ah, ardayduna markay maqlaan somaliland ay sacabka tumayeen.

Masuuliyiintii ka qayb-galay Xaflada oo u taagan Dhegaysiga Telefoonkii Wasiiru-Dawlaha Waxbarashada Somaliland Maxamuud Garaad Jaamac
Markay saacadu ku dhawayd Tobankii Habeenimo waxa khadka Telphoneka soo galay Wasiiruhu Dawlaha Wasaaraada Waxbarashada Somaliland MD Maxamud Garaad Jaamac. Wasiirku waxa uu markii ugu horaysay ardayda ugu hanbalyeeyay xafladooda Graduationka ee ay ugu dabal dagayeen,
waxa uu wasiirku sheegay in uu dalkii u baahan yahay arday wax baratay oo leh xirfado kala duwan,
waxaanay ardaydu aad iyo aad ugu bogeen hanbalyada Wasiirka maadama uu matalayay shacbi waynaha Somaliland. Wasiirku waxa u halkaa ardayda ku siyay waano iyo dardaaran ku saabsan ardayda si ay aqoonta ay barteen ugu faa’iideeyan dalkooda hooyo.
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Oday Maxamed Cumar Guuled oo halkaa ka soo jeediyay talo iyo tusaalooyin ku saabsan waxbarashada, kuna guubaabiyay ardayda inay dalkoodii hooyo ku taageeran aqoonta ay ka barteen qurbaha.
waxaa halkaa lagu soo bandhigay madashaas Riwaayad xiiso badan oo ka hadlaysa waxbarashada iyo daruufaha kala duwan ee ardayda haysata, waxayna ahayd riwaayad loo wada bogay oo xiiso badan.
waxa halkaa lagu soo ban-dhigay khudbado ku saabsan waxbarashada iyo gabayaba oo ay soo jeediyeen ardayda wax ka barata wadanka india, isla markaa waxa stageka lagu soo dhaweeyay Mr Khaalid Abdirahaman Muhumed oo halkaa hanbalyo iyo tahniyad kala yimid xukuumada iyo labada xisbi qaran ee jamuuriyada Somaliland ardayda ujeediyay.
Ugu Dambayntii waxa Xaflada lagu soo dhaweeyay Mr khaliif Cabdi Sheekh oo ku hadlaayay magacaga
gudiga qaban qaabada xaflada. waxaana uu sheegay sida hawshan loo galay iyo sida ardayda somaliland ugu farxeen in ay gooni u qabsadaan, madaama ay ardaydu ka yimaadeen Jamuuriyad madax banaan oo la yidhaahdo Somaliland.
Mr khaliif waxa uu sheegay in halkaa laga si wado xaflada qalin jabinta oo aanay tani noqon tii ugu danbaysay uguna horaysay, waxaanu hanbalyeeyay ardaydii qalan jabisay iyo kuwii ka soo qayb galayba. isagoo ku hadlaya magaca gudida qaban qaabada.”





Magacyadii ardaydii qalin jabisay iyo Shahaadooyinka ay Qaateen
MAGACYADA GUDIDA QABAN QAABADA XALFADA QALIN JABINTA
Source: Somalilandpress
Published by: Abdiqani
9 Comments on "Ardaydii Abid Ugu Badnayd Reer Somaliland oo Ka Qalin-jebiyay Jaamacadaha Hindia (Sawiro Qurxoon)"
HAVE YOUR SAY & REVIEWS
KENYA: Warming up to Somaliland
But Kenya which has a significant number of expatriates in the region is reassessing its position...
YOUTH: The Ambassador of Future
This very agony has engulfed her first-born baby. Her only light was snuffed out and was butchered...
Somaliland to contract French firm in running of major port
Bolloré Africa Logistics is expected to take over the Berbera port with an investment worth $700 million...
LATEST NEWS HEADLINES
ALSO IN THE NEWS
East Africa is next hot oil zoneNAIROBI, (Somalilandpress) — East Africa is emerging as the next oil boom following a big strike in Uganda’s Lake Albert Basin. Other oil and natural gas reserves have been found in Tanzania and Mozambique and exploration is under way in Ethiopia and even war-torn Somalia.
The region, until recently largely ignored by the [...]
TOP NEWS
SOMALIA: “British Couple Wounded” – PiratesHAVE YOUR SAY
Is Somaliland getting recognized?SomTel Launched
Dahabshiil’s SomTel International launched MORE NEWS HEADLINES
Daily Popular
Ahmed Ismail Yousuf on Sat, 30th May 2009 12:05 am
Contribution Contribution Contribution Contribution Contribution Contribution for your gradation, MY ALLAH blesses you up and best future.
I am your collogue Somalilanders, just I read your gradation details through above article reported by SOMALILANDPRESS.
First I must thank the somalilandpress, a new electronic home based media with professional journalist.
Secondly I am sharing with you the high sprit commitment and nationalism or patriotism ,
Sulieman Ismail Bolaleh (XUQUUQ)
Elmi on Sat, 30th May 2009 12:36 am
Congratulations boys and girls – Masha Allah, Somaliland desperately needs educated people like you young brothers and sisters, we are very proud of you and we hope nations like India continue to welcome Somaliland students and hopefully in the future develop close cooperations in education, IT and small businesses, India is 1.8 billion and can not be ignored.
Jaamac on Sat, 30th May 2009 3:13 am
That is what we need more and more educated professionals to help bring our economy up and lead Somaliland to a better place
Hussien Subaan on Sat, 30th May 2009 10:55 am
salaam
may Allah bless all somaliland students where ever they are.
secondly i'm congratulating all somaliland student who graduated from India. we are very proud of you all. and the country and your people need you.
return home………….GOD bless somaliland.
Hussien-X
pass2001 on Sat, 30th May 2009 12:25 pm
It is a breath taking achievement, Maansha Allah! Congratulations from Norway to you, all bothers and sisters. The timing of your graduation is a time our beloved country needs you. Remember states are built by their sons and daughters, especially those like you with higher education and technical professions.
One caution for you though. Don't waste your precious time dreaming of coming to the West. They don't NEED you and your young life will be a waste and your dreams will be shattered. Go back to your country and contribute to building it, so that your children and their children will remember you for the sacrifice you have done when they harvest the fruits you have sown.
mustafe on Sat, 30th May 2009 9:25 pm
As somalilanders, we are very proud to have a great generation who are educated,certainly we are ver appreciate all students as well their parents who support during their education time.Honestly, i hope all those students are coming back in somaliland due to help their homeland in better life and i believe that they help to new strategy policy witch we are waiting for long time.All in all we are waiting you to guide our country in better way all the social service which we are needed.
jacfar on Mon, 1st Jun 2009 7:40 am
It is a big achievement for such a mild country to have like this graduation ceremony in a foreign country…I hope it will lead other students to conduct such a great one in their own universities to familiarize other nations how big somaliland people are..and how they sacrificed their precious time, money to learn.
Saeed Farah Miganeh on Tue, 2nd Jun 2009 5:57 pm
CONGRALUATIONS all of you. You have made us braod to you. We are happy to see you graduate in so many numbers. I particularly appreciate the special ceremony for your graduation.
Cheers,
Saeed Farah Miganeh
Hargeisa, Republic of Somaliland
Abdirahim on Thu, 4th Jun 2009 11:59 pm
As foreign educated student myself, i recognize the challenges our nation faces and the steps required from us to lift us out of any predicament. Education is key to the success of somaliland and is what is required to launch us into the 21st century and beyond. Keep up the good job boys and girls and dont loose sight of the challenges facing us and the needs of our young nation.
Just recently I have launched a website Somaliland Association of Professionals…. http://WWW.SLAP.COM which is design to link Somaliland professionals for the purpose of collaborating on various projects that are design to improve our nation's economy and infrastructure. everyone is encouraged to take part.