Press Ahead

Information
External Links
Education Links
Page last updated May 12, 2009
http://somalilandpress.com/wp-content/uploads/2009/05/wfp.jpg
Tartanka Kulliyadaha Jaamacada Hargeysa iyo ciyaarta faynalka ah ee maanta
Hargeysa (Ogaal)- Kooxaha Kubada Cagta ee Kulliyadaha Ganacsiga & Maamulka iyo Dhaqaalaha ee Jaamacadda Hargeysa ayaa shalay kulan kubada cagta ah oo iskaga horyimaadeen ay isla dhaafi waayeen 2-2 gool.
Ciyaartan oo xiise badnayd waxay ka dhacday garoonka Tareeriska ee Xaafada Shacabka, ayaa waqtigii loogu talogalay ku dhamaatay barbaro, ayaa loo dhigay rigoorayaal, balse hadana markii koox kastaaba ay laadatay sideed rigoore ay labada dhinacba wada dhashadeen, sidaa aawadeedna, shaacii ayaa madoobaaday iyada oo aanay weli kala bixin labada kooxood. Sidaa daraadeed, Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland ayaa go’aamiyay in labada kooxood lagu kala saaro rigoorayaal toos ah oo loo dhigayo mar kale maanta 3:30 galabnimo, si kooxda guulaysataa ay ciyaar iskaga horyimaadaan ciyaar kama dambays ah Kooxda Kulliyada Sayniska.
Tartankan oo ay ku loolamayeen kooxo ka kala socday Kulliyaddaha kala duwan ee Jaamacadda Hargeysa, ayaa waxa ka qaybqaatay kooxaha Kulliyadaha Science, Economy, Bussines & Administration, Law, ICT iyo Medician, waxaana soo qabanqaabiyay Maamulka Jaamacadda Hargeysa, isla markaana waxa fulinaya Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland, waana markii ugu horaysay ee kooxaha tartan heer-jaamacadeed ahi uu ka dhaco dalka.
“Cristiano Ronaldo wuxuu ku tegi karaa Real Madrid €80 Milyan oo Euro”
Kooxaha Real Madrid iyo Manchester United ayaa kala saxeexday heshiis la sheegay inuu dhexmaray xagaagii la soo dhaafay, kaasoo kooxda Isbaanishka ahi ay ku iibsan karaysay weeraryahanka Cristiano Ronaldo ka dib 1-da bisha July, hadii ay bixiyaan lacag dhan €80 milyan oo Euro.
Kooxda Real Madrid ayaa xidhiidh la lahayd laacibkan Boortiqiiska ah inka badan sannad, iyada oo xataa aanu kooxdaas maamulkeeda haynin madaxweyne joogto ahi ayaa wararka laysla dhexmarayay ee la xidhiidhay inuu laacibkaasi tegayo garoonka Bernabeu ay ahaayeen kuwo aan isbedel lahayn. Tabobaraha sharaftii ka dhacday ee Ramon Calderon ayaa dhawaan sheegay in heshiiskaasi meesha yaalo, isla markaana Wargeyska aadka loo ixtiraamo ee El Pais ayaa immika faafiyay sharraxaada waxay Real Madrid ka aaminsan yihiin hirgelinta heshiiskaas iyo ku-talogalkoodu wuxuu yahay. Weeraryahanka Ronaldo ayaa noqon kara laacibka dunida ugu qaalisan, ka sokow dhaqaale-xumada caalamka oo dhan saamaysay, hadiiba ay kooxda Madrid ku dhaqaaqaan go’aankooda ay 1-da July ku iibsanayaan €80 milyan oo Euro. Arrinta uu Wargeyska El Pais soo saaray ee heshiiskii hore ee labada kooxood ayaa noqon kara mid ay kooxda Man United aad uga soo horjeestaan, sababta oo ah, waxay labada kooxood hore ugu heshiiyeen inaan la shaacin wax ku saabsan heshiiskaas ilaa laga gaadhayo May 31, waxaana dhici karta hadii ay sidaa ahayd inuu heshiiskaasi meesha ka baxo oo ay Man United ka noqoto. Hase yeeshee, taasi maaha mid immika muuqata, isla markaana laacibka Ronaldo waxa lagu eedaynayay inuu isagu dabada ka riixayo habkii uu kaga dheeraan lahaa kooxda garoonka Old Trafford, taasoo weliba ay u dheer tahay muuqaalka cadhadiisii uu ka qaaday, ka dib markii la bedelay kulankii ay Man United la yeelatay kooxda Man City toddobaadkan horaantiisii. Mr Florentino Perez oo ka degay talada kooxda Real Madrid sannadkii 2006, ayaa la rajaynayaa inuu ku guulaysan doono madaxtinimada doorashada soo socota ee Juun 15, kaasoo aad loogu yaqaanay rabitaankiisa Ronaldo. Wargeyska El Pais ayaa faafiyay in ninkaa la filayo inuu ku guulaysto madaxtinimada Real Madrid uu wadahadalo la yeeshay wakiilka laacibka Ronaldo ee Jorge Mendes, isla markaana uu isku deyayo inuu jiidho heshiiska iyo sida loo bixinayo qiimaha aadka u fara badan.
Hadii uu Mr Perez ku guulaysan waayo madaxweynenimada Madrid, markaa waxay noqonaysaa mid la jirta nin kasta oo isaga doorashada kaga adkaada. Goolhaye Iker Casillas ayaa toddobaadkan sheegay inuu aaminsan yahay in kooxda Real Madrid ay tahay inay diirada saaraan dhismaha kooxda iyaga oo soo iibsanaya laacibiinta Isbaanishka ugu wanaagsan, sida David Villa iyo David Silva, isla markaana ay iyaga ku dhex-daraan laacibiin da’yar ah oo ay soo saaraan. Mar hore oo wax laga waydiiyay tabobaraha Man United Sir Alex Ferguson jiritaanka wax heshiis ah oo ay laacibkaas iibkiisa kala galeen Real Madrid, wuxuu fikrada heshiiskaas ku sheegay wax ay kooxda Real Madrid iska jeclaanayso.

UEFA oo diidmo kaga jawaabtay dalabka ganaax lagu riday saddex laacib
Guddiga Anshaxa UEFA, ayaa shaaca ka qaaday in laacibka ka tirsan kooxda Manchester United ee Darren Fletcher aanu u safan doonin kulanka faynalka tartanka Champion League-ga ee 27 May ka dhacaya Rome, sidoo kalena waxay ganaax kaas la mid ah ku rideen laacibiinta kooxda Barcelona Eric Abidal iyo Daniel Alves oo labaduba difaaca uga ciyaara.
Xidhiidhka kubada cagta Yurub ayaa hadal qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay inaanay aqbalin dalabaadyo ay u gudbisteen Man United iyo Barcelona oo labadooduba ay kaga soo horjeedeen go’aanka lagaga xayirayo saddexdaa laacib ka-qaybgalka kulanka faynalka ah. “Dhamaanba saddexda waxa ciyaaraha laga xayiray min hal kulan oo tartanka UEFA ah, isla markaana waxay u hogaansanaanayaan go’aankaas marka Barcelona iyo Manchester United ay ku kulmayaan faynalka koobka UEFA Champions League-ga,” ayaa ka mid ahaa qoraalkaas. Ciyaaryahanka Fletcher ayaa laga ganaaxay kulanka faynalka ah, ka dib markii la siiyay kaadhka casaanka ah intii lagu guda jiray kulankii simi-faynalka ahaa ee Arsenal ay ku reebeen toddobaadkii la soo dhaafay. Ciyaaryahanka Abidal ayaa sidoo kale kaadhka casaanka ah qaatay intii uu socday kulankii muranka badan dhaliyay ee Barcelona ay kaga adkaatay kooxda Chelsea, halka laacibka Alves uu ka qaatay laba kaadh oo huruud ah, sidaa aawadeedna dhamaantood waxay ahayd inay waayayaan min ciyaarta xigta, taasoo noqoysa ciyaarta faynalka ah.
Tabobaraha kooxda Man United Alex Ferguson ayaa isagu cadaadis badan saarayay arrintaas, xataa isaga oo ka warhayay in rajada laga qabaa ay aad u yarayd. Tabobaraha kooxda Barcelona Josep Guardiola ayaa isagu waayi doona laba laacib oo ka tirsan kooxdiisa koowaad iyo sidoo kale laacib difaaca khadka dhexe ah Rafael Marquez. Waxaana intaa u dheer in laacibka Andres Iniesta iyo Thierry Henry ay weli isku deyayaan inay ka soo kabtaan dhaawacyo gaadhay oo ay diyaar ahaadaan waqtiga ku beegan kulanka faynalka ah.
Cameroon iyo Ivory Coast oo wada-yeelanaya kulan dhaqaale-taageeris ah
Xulka Qaranka Cameroon iyo Xulka Qaranka Ivory Coast ayaa lagu wadaa inay iskaga horyimaadaan kulan saaxiibtinimo 13 Juun, kaasoo dhaqaalaha ka soo baxa loogu talogalay in lagu caawiyo qoysaskii ay dadkoodu ku dhinteen burburkii garoon kubada cagta ah oo ku yaala caasimada Ivory Coast ee Abidjan bishii March ee la soo dhaafay.
Kulankan waxa la qoondeeyay inuu ka dhaco garoonka Felix Houphouet-Boigny, kaasoo ahaa kii ay 19-ka qof ku geeriyoodeen, ka dib markii uu gidaar burburay. Taageerayaashu waxay isku deyayeen inay daawadaan kulan ka mid ahaa ciyaaraha is-reeb-reebka koobka adduunka ee 2010-ka oo dhex-mari lahaa dalalka Ivory Coast iyo Malawi. Ururka Kubada Cagta Adduunka (FIFA), ayaa shaaca ka qaaday inay baadhitaano dheeraad ah ku samaynayaan masiibaddaas.
Everton: Koox ciyaaryahanadeeda tuugo barriinsatay
Laacibka Steven Pienaar ayaa ku sugnaa garoonka Goodison Park, mar ay tuugo gashay gurigiisa Sabtidii la soo dhaafay.
Laacibka kooxda Everton khadka dhexe uga ciyaara ee Steven Pienaar, ayaa noqday dhibanihii ugu dambeeyay ee ay tuugo ku beegsadaan ciyaaryahanada kooxda garoonka Merseyside footballers. Isla markaana gurigiisa oo ku yaala xaafadda Woolton ee magaalada Liverpool ayaa xilligii la weeraray uu isagu ku sugnaa garoonka Goodison Park, isuna diyaarinayay kulan-ciyaareed dhex-marayay kooxdiisa iyo kooxda Spurs.
Booliska Merseyside ayaa laacibkan caalamiga ah ee reer Koonfur Afrika u yeedhay, isla markaana afhayeen u hadlay ayaa sheegay in dhacdadaas loo xidhay 41 jir Ingiriis ah oo lagu eedaynayo tuuganimaddaas. Balse, lama kala cadayn in guriga wax laga qaatay. Laacibka Pienaar waa kii tobnaad ee ay gaangiistariin gurigiisa galaan oo dhamaantood ka mid ah laacibiinta kooxda Everton, waxaanay tuuganimaddaasi mar kasta dhacdaa mararka ay laacibiinta kooxddaasi ku maqan yihiin kulan-ciyaareed. Ciyaaryahanada Steven Gerrard, Lucas iyo Robbie Keane, kuwaasoo qolalkooda huteel ay ku jireen la weeraray ka hor intii aanay ka soo noqon kulan ay la lahaayeen kooxda Tottenham.
Published by: Abdiqani
One Comment on "(Sports):Tartanka Kulliyadaha Jaamacada Hargeysa iyo ciyaarta faynalka ah ee maanta"
HAVE YOUR SAY & REVIEWS
KENYA: Warming up to Somaliland
But Kenya which has a significant number of expatriates in the region is reassessing its position...
YOUTH: The Ambassador of Future
This very agony has engulfed her first-born baby. Her only light was snuffed out and was butchered...
Somaliland to contract French firm in running of major port
Bolloré Africa Logistics is expected to take over the Berbera port with an investment worth $700 million...
LATEST NEWS HEADLINES
ALSO IN THE NEWS
Lessons from Somaliland on self reclamation from mayhemAny reader may wonder if anything other than piracy, warlords tussle and the sound of bombs can ever come from Somalia.
Such negative perception of Somalia is understandable if one is to refuse the de facto break-up of Somalia into two disparate parts that have had paradoxically different trajectories since 1990. Prof Iqbal Jhazbay’s recent [...]
MORE STORIES
Book presentation: Black Mamba Boy by Nadifa MohamedTHE WOW FACTOR
Send us your opinions and views.DOWNLOAD SOMALI MUSIC
Somalioz - Download Somali MusicMORE NEWS HEADLINES
Daily Popular
Shamo Hotel Blast
KENYA: Warming up to Somaliland
More sports less qaad the way to go Somalilanders