Press Ahead

Information
External Links
Page last updated April 29, 2009
Guddiga Dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasadeed ayaa kulano gooni-gooni ah, is-horfadhiisiintii Madaxweynaha iyo Xisbiyada Mucaaradka ah, kaa baaraan-dag iyoo u kuur-gelid waxyaalaha ay isku hayaan ka dib waxa ay soo go’aan 5 qodob ka kooban ka soo saareen arrintaas kalsoonida loo siiyay inay ka garnaqaan.
Hadaba go’aankooda kama dambaysta ah ee ay ku soo ururiyeen 5-ta qodob waxa ay guddigu ku soo saareen Warsaxaafadeed sidan u qornaa: “Guddiga Dhexdhexaadintu iyadoo ka duulaysa kalsoonida uu siiyey Madaxweynaha JSL, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID, isla markaana dhegaysteen doodahoodii iyo qoraalladii ay noo soo gudbiyeen, kana hormarinay wixii kaleba danta dalka iyo ta ummadda, talooyin badanna ka heshay bulshada qaybaheeda kala duwan sid; culimada, salaadiinta, ganacsatada iyo waxgaradka kale, himiladeeduna tahay sidii doorasho xor oo xalaal ah loo gaadhi lahaa, jecelna inay soo afjaranto muruggan siyaasadeed ee taagan waxay go’aamiyeen:
1- Muddo-kordhinta:
1.1- In muddo-kordhinta Golaha Guurtidu siiyey Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee ku eg 29/10/2009 ay tahay mid lagu dhaqmayo.
1.2- In doorashadu haddii ay ku qabsoomi waydo 27/9/2009 in aan Golaha Guurtidu u kordhin Karin Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa; waana in arrinkaas laga ansixiyo golaha sharci-dejinta (Baarlamanka).
2- Muddada Doorashooyinka:
2.1- Doorashadu waa inay ku qabsoonto xilligii Komishanku u qabtay ee 27/9/2009, ololaha doorashaduna ka horreeyo bisha Ramadaan ee barakaysan ee qaddarinteeda leh.
2.2- Waa in Guddiga Doorashooyinku sida ugu dhakhsaha badan u soo saaraan waqti-hawleedka doorashada (Time-line).
2.3- In Server-ku natiijadii kama dambaysta ahayd ku soo saaro 27/7/2009 si waqti ku filan loogu helo hawlaha doorashada.
2.4- Qaddiyadda Komishanka waxay guddigani adkaynaysaa in Madaxweynaha, labada hoggaamiye ee axsaabta mucaaradka iyo Golaha Guurtida [oo ah cidda soo wada xusha] ay go’aan ka gaadhaan in la daayo, in la kordhiyo iyo in la beddelo.
3- Warbaahinta iyo Hantida Qaranka:
3.1- Warbaahinta Qaranka:
In saddexda xisbi qaran ee ka qaybgalaya doorashada Madaxtooyada laga siiyo warbaahinta qaranka xilli isku mid ah (air time) iyo waqti ku filan sida Radio Hargeysa, TV-ga Qaranka iyo wargeysyada qaranka.
3.2- Hantida Qaranka:
Hantida qaranka sida maaliyadda, gaadiidka iwm waa in aan xisbi gaar ah loogu adeegin.
3.3- Waa in dabagal iyo la socodka qodobkan warbaahinta iyo hantida qaranka ku xusan loo sameeyo guddi adag oo dhex ah awoodna la siiyo.
4- Xorriyadda Axsaabta iyo Hawlahooda:
4.1- Xisbiyada waa in aan loo diidin awoodaha iyo xuquuqaha dastuurka iyo shuruucda qaranku siinayo sida hawl-maalmeedkooda, dhaqdhaqaaqooda, madaxbannaanida qabashada shirarka iyo bannaanbaxyada.
4.2- In Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeen iyo ciddii u sharraxan jagooyinkaas ay leeyihiin xasaanad, karaamo iyo qaddarin.
4.3- In la sii daayo dhammaanba dadkii loo xidhay xiisadda siyaasadeed intii ay ka aloosnayd dalka.
5- Xeerka Hab-dhaqanka (Code of Conduct):
Waa in la diyaariyaa Hab-dhaqanka (Code of Conduct) ee xisbiyada xilliga doorashooyinka ka hor intaan ololaha la bilaabin.
Wa Billaahi tawfiiq
Magacyada Guddiga:
1- Aadan Baxnaan Xirsi, Guddoomiye——————
2- Jaamac Axmed Maxamed, Afhayeen———————-
3- Xuseen Cali Nuur, Xoghaye———————–
4- Cabdulqaadir Cali Xasan Xubin—————————
5- Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre Xubin————————–
6- Dr. Aadan Yuusuf Abokor Xubin—————————
7- Aadan Xirsi Suge Xubin—————————
Published by: Abdiqani
One Comment on "Somaliland: Nuxurka Go’aanka Guddida Dhex-dhexaadinta Khilaafaadka"
HAVE YOUR SAY & REVIEWS
KENYA: Warming up to Somaliland
But Kenya which has a significant number of expatriates in the region is reassessing its position...
YOUTH: The Ambassador of Future
This very agony has engulfed her first-born baby. Her only light was snuffed out and was butchered...
Somaliland to contract French firm in running of major port
Bolloré Africa Logistics is expected to take over the Berbera port with an investment worth $700 million...
LATEST NEWS HEADLINES
ALSO IN THE NEWS
SOMALILAND: Policeman Killed in BuraoBurao, 16 March 2010 (Somalilandpress) – Local reports from Burao says unidentified men shot and killed a senior policeman in the town. The officer who was coming out of a teashop in the downtown around 8pm was shot several times by an armed man who then escaped with his car.
police spokesman said they are [...]
TOP NEWS
Militant goup signs peace agreement with Somali governmentHAVE YOUR SAY
Is Somaliland getting recognized?SomTel Launched
Dahabshiil’s SomTel International launched MORE NEWS HEADLINES
Daily Popular
Hassan Hussein on Wed, 29th Apr 2009 2:39 pm
Somaliland: Nuxurka Go’aanka Guddida Dhex-dhexaadinta Khilaafaadka
Arintaas ayaan runtii ka hadlaya marka horre anigu Hussein ahaan waxaan maqal ku qoray una soo jediyay ummadda reer somaliland in ay samystaan gudi madax bannan oo ka madax bannan 3 xisbi oo iyagu u ah dallayad lagu kallson yahay.hargeysa iyo burco borma way leyihiin.
waxaannu wada ognahay in hadda Jammuriyadda somaliland ay wakhdigeedi dhamatay markaas hadda hadii mudada la kordhiyo iyo hadii la yereyaba waxaa faraha ka baxysa kalsonida dadka shacbiga oo u arkaya Dawladii Maxamed siyad barre oo kalle.
Hadaba anigu waxaan soo jedinnay wakhtigas hadii uu khilafkan yimado ama dalku uu halis gallo in magallo kasta dadka leh ay gudi nabadgalyo oo gaar ah u magacban nabadda goboladda iyo Dagmoyinka ay ka koban tahay somaliland.Talladayadunna waxay Tahay in
si KMG ahna logu dhibo
Maxamed Omer Carte uu noqdo Madaxwaynaha KMG ee somaliland
ku Xigeenna laga dhigo:Gan.
Isamciil Cali Abokar .
Dawladda inteeda kallana cadii ay u ahato KMG ila inta ay soo dhisayan.
In la tartamiyo 3 Xisbi ee Udub Kulmiye Ucid kii ku gulaystanna loo dhibbo dalka hogamintisa.
Taladda aanu wadnnay 2005 kii taas ayay
ahayd.
Hadda waxaa jira in wadaninimadii somaliland ay dhuntay oo ay ku dhellayn Odayaal gurti isku magacabay oo mudadoodi dhamatay .
Waxaan shacbiga somaliland u soo
jedinayna in aanu joojinay aqonsigii somaliland ee aan u hawllanayn ilaa inta ay shacbigu soo doranayaan, Hantidhawr madaxabanan iyo Godomiye maxakamadda sarre oo isna madax bannan kana yimadda Deganka hargeysa ee Martida loo yahay.
waxaanna aanu ku rajo waynahay in Jahliyadda somaliland ee Dabadda joogta ay hadda la yaban yihiin sida ay wax u wadan Hogamiyasha iyo golaha wasiradda somaliland oo aan lagu tilmamayn in ay dacad yihiin.
Hadaba manta Somaliland waxay u talla waxay ay shacbigu ka yelli donnan
anana wixii ay shacbigu raban ayannu racii donna Hassan Hussein UK