Press Ahead

Information
External Links
Page last updated March 31, 2009
Toronto (Somalilandpress)- Somaliland Canadian Congress: Warsaxaafadeed
March31, 2009
Ururka Somaliland canadian Congress wuxuu si wayn u cambaaraynaynaa ugana soo horjeeda go’aankii guurtida ee loo adeegsaday in loogu cusboonayso Dahir Riyaale Kaahin mudo lix bilood ah. Go’aankaas oo si qaldan loo cuskaday qodobka 83 aad faqradiisa 5aad ee distoorka qaranka oo hoos ku qoran qof kastaana akhriskiisa uu fahmi karayo in aan dalka wax nabad galayo daro ahii aanay ka jirin. Waxa uu qodobku u dhigan yahay sida tan hoos ku qoran :
“Haddii ay suurtoobi weydo duruufo la xidhiidha nabadgelyada darteed in la qabto doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenka madaxweynaha marka muddadii xilkoodu dhammaato, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan madaxweynaha iyo Ku-xigeenka madaxweynaha.
1. Waxaa dalka ka jira Komishan madaxbannaan oo u xil saran inay cayimaan maalinta doorashadu qabsoomayso sida uu uu dhigayo Xeerka doorashooyinka Lr .20. 2001 qodobkiisa 8aad , sidaa darteed ururka Somaliland Canadian canadian Congress waxaanu ku qanacsanahay in golaha guurtidu aanay xaq iyo xil midna ula hayn inay cayimaan maalinta doorashadu ay tahay inay dalka laga qabto.
2. Ururka Somaliland Canadian Congress waxaa uu shacabka reer Somaliland ugu baaqayaa in ay diidaan oo sinaba aanay u aqoonsan mudo kordhintaas ka baxasan distoorka qaranka.
3. Ururka Somaliland Canadian Congress waxaa uu sedexda xisbi siyaasi iyo komishanka qaranka ugu baaqayaa inay is la meel dhigaan taariikhda ay qabsoomayso in dalka laga qabto doorasho xor ah oo xalaal ah.
4. Wixii ka dambeeya bisha April 6 deeda sanadk 2009, Daahir Riyaale Kaahin iyo ku xigeenkiisaba hadaanu nahay Somaliland Canadian Congress, uma aqoonsanaan doono inay ku fadhiya madaxtinimada dalka sife sharci ah.
5. Ugu dambayn Somaliland Canadian Congress waxay ku baaqayaan in la helo dawlad wadaag ilaalisa geedi socodka dimuqradiyadeed ee Soamaliland isla mar ahaantaasna gaadhsiisa dalka sidii ay uga qabsoomi lahaayeen doorashooyin ku dhaca xor iyo xalaal.
ALLA Mahad leh
Maxamud A. Raghe
Gudoomiye
Toronto , Canada
Published by: Abdiqani
HAVE YOUR SAY & REVIEWS
KENYA: Warming up to Somaliland
But Kenya which has a significant number of expatriates in the region is reassessing its position...
YOUTH: The Ambassador of Future
This very agony has engulfed her first-born baby. Her only light was snuffed out and was butchered...
Somaliland to contract French firm in running of major port
Bolloré Africa Logistics is expected to take over the Berbera port with an investment worth $700 million...
LATEST NEWS HEADLINES
ALSO IN THE NEWS
Somalia Food Aid Bypasses Needy, U.N. Study FindsAs much as half the food aid sent to Somalia is diverted from needy people to a web of corrupt contractors, radical Islamist militants and local United Nations staff members, according to a new Security Council report.
Sacks of food in a warehouse in Mogadishu. A United Nations report suggests an overhaul in the food distribution [...]
TOP NEWS
South Africa slams Israel over heritage site annexHAVE YOUR SAY
Is Somaliland getting recognized?SomTel Launched
Dahabshiil’s SomTel International launched MORE NEWS HEADLINES
Daily Popular