October 28, 2009 · 0 Comments
Hargeysa (Somalilandpress)- Muddo Hal Sano ah ayaa laga joogaa, Berri 10 Aroornimo ayaanay si toos ah ugu beegan tahay maalintii ay ku dhinteen in ku dhow Labaatan qof, kuna dhaawacmeen in ka badan 60 qof ka dib markii qaraxyo kala dambeeyay lala beegsaday Xarumaha Qasriga Madaxtooyada Somaliland, Xarunta Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNDP iyo Xarunta Safaaradda Ganacsi ee ay Itoobiya ku leedahay Somaliland qaraxyadaas oo dhamaantoodba loo adeegsaday baabuur gudaha u galay xarumahaas. xarumahaas oo ay ugu khasaare iyo dhimasho badnayd Xarunta Safaarada Itoobiya, halkaas oo ay wakhtigaas ku sugnaayeen dad shicib u badnaa oo ka qaadanayay Fiisaha dal ku gal lagu tago Itoobiya oo xafiiskaas sida caadiga ah laga qaato, iyada oo dhismuhu uu ku dumay dad tiro badan.
Falkaas ayaa mid argagax leh oo ku cusbaa guud ahaanba bulshada reer Somaliland, dadweynaha ayaad ugu xoomay oo maalintaas haatan laga joogo halka sano ku ururay goobaha qaraxyadu ka dhaceen, Cisbitaalada magaalada Hargeysa ayaa ay iyana buux-dhaafiyeen dadka dhaawaca ah ee waxyeeladu ka soo gaadhay falkaas foosha xumaa, iyo eheladooda oo iyana ku mashquulsanaa sidii ay wax ula qaban lahaayeen.
Xubno sar sare oo ka tirsanaa ciidanka Madaxtooyada ayaa iyana dhaawac iyo dhimashoba maalintaas ku asiibtay qaraxii madaxtooyada. hase yeeshee Madaxweynaha Somaliland iyo qoyskiisa oo aan iyagu waxba ka soo gaadhin qaraxaasi ayaa falkan isla-markiiba waxa uu Madaxweynuhu sheegay inay ka dambeeyeen dad cadaw ku ah dimuqraadiyada iyo horumarka Somaliland.
Guud ahaanba dadweynaha reer Somaliland gudo iyo dibadba ayay maalintani u ahayd maalin madaw oo taariikhda gashay.
Warbaahinta dalka iyo warbaahinta caalamiga ahiba waxay dhacdadaas uga faaloodeen siyaabo kala duwan, iyada muuqaal, cod iyo qoraalba lagu muujiyay falkaas gardarada ahaa ee dadka aan waxba galabsan lagu galaaftay nafahoodii.
Halkan ka Daawada Muuqaalada Sidii ay u dhaceen Qaraxyada
sidoo kale, dadweynaha reer Somaliland ayaa halqabsi ka dhigtay “Markii qaraxu dhacayay waxaan joogay meel heblaayo.” guud ahaanba dadkii ku waxyeelabay qaraxaasi waxaanu ilaahay uga baryaynaa inuu uga dhigo nabar-garado, kuwii ku naf waayayna naxariistii Alle janno ka waraabiyo.
Email this story
By Abdiqani