Press Ahead

Information
External Links
Page last updated February 25, 2009
Hargeysa (Somalilandpress)- Xubno ka tirsan Ardayda Jaamacadaha Hargeysa ka dhisan, ayaa maanta ku biiray Xisbiga UCID.
Munaasibad balaadhan oo loo sameeyay soo dhawaynta Ardaydaas, ayaa waxa lagu qabtay Hoteel Dalxiis ee Magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qayb-galay masuuliyiin Sar Sare oo ka tirsan XIsbiga UCID.
Gudoomiyaha XIdhiidhka Jaamacadaha ee Xisbiga UCID, Mr. Cabdiraxmaan Cali Axmed oo isagu horayn munaasibadaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa ka xog-waramay xidhiidhka ka dhexeeya dhamaan ardayda jaamacadaha kala duwan ee wadanka, waxaana uu hambalyo u diray Jaamacada dhawaan lagaga dhawaaqay gobolka Sanaag oo ah Jaamacadii u dambaysay ee lagaga dhawaaqo wadanka Somaliland. Waxaana uu xusay in dhalinyarada kala duwan ee jaamacadaha wadanku ay xidhiidh fiican la leeyihiin xisbiga UCID, maadaama buu yidhi uu xisbigani yahay ka kaliya ee u taagan horumarinta dhalinyarada iyo haweenka.

qaar ka mid ah Ardayda Jaamacadaha Hargeysa
Mr. Cabdiraxmaan waxa uu Hambalyo u diray hogaanka xisbiga UCID ee hawlaha shaqo ee horumarinta xisbigaas ugu maqan wadanka Yurub iyo Maraykanka.

Sidoo kale, afhayeenka xisbiga UCID, Xasan Xuseen Shide (Codyare) oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa isna u mahadceliyay dhalinyarada ka kala socday jaamacadaha dalka ee ku soo biiray xisbigooda.

muuqaalkii xaflada
Waxa kale oo iyaguna munaasibadaas ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Xisbiga UCID, Gukdoomiyaha Garabka Haweenka ee xisbigaas iyo masuuliyiin kale, kuwaasoo dhamaantood iska daba maray sida uu xisbigoodu u danaynayo aqoonyahanada da’da yare eek u soo biiraya, isla-markaana ku soo badana xisbiga UCID.
Published by: Abdiqani
HAVE YOUR SAY & REVIEWS
KENYA: Warming up to Somaliland
But Kenya which has a significant number of expatriates in the region is reassessing its position...
YOUTH: The Ambassador of Future
This very agony has engulfed her first-born baby. Her only light was snuffed out and was butchered...
Somaliland to contract French firm in running of major port
Bolloré Africa Logistics is expected to take over the Berbera port with an investment worth $700 million...
LATEST NEWS HEADLINES
ALSO IN THE NEWS
SOMALILAND: Policeman Killed in BuraoBurao, 16 March 2010 (Somalilandpress) – Local reports from Burao says unidentified men shot and killed a senior policeman in the town. The officer who was coming out of a teashop in the downtown around 8pm was shot several times by an armed man who then escaped with his car.
police spokesman said they are [...]
TOP NEWS
Militant goup signs peace agreement with Somali governmentHAVE YOUR SAY
Is Somaliland getting recognized?SomTel Launched
Dahabshiil’s SomTel International launched MORE NEWS HEADLINES
Daily Popular