Opinions

“ARDAYDA JAAMACADAHA SOMALILAND KA QALIN JABISAA WAA INAY U TAFA XAYTAAN HORUMARKA DALKOODA” Eid Ali Salaan

August 23, 2009   ·   1 Comments

iid ali salan “ARDAYDA JAAMACADAHA SOMALILAND KA QALIN JABISAA WAA INAY U TAFA XAYTAAN HORUMARKA DALKOODA” Eid Ali Salaan Somalilandpress- (Opinion)- By: Eid Ali Salaan

HORDHAC

Waxaan ka qayb galay xaflad aad iyo aad u qiimo leh oo ahayd qalin jabinta ardayda jaamacada Hargeysa, tani oo ah tii iigu horaysay ee aan kala qayb galo ardayda reer Somaliland. Tacliintu waa waxa dad iyo umadba hore u mariya, binu aadamkana tayadiisa iyo waxtarkiisa hore u mariya.

Horumarinta tacliintu waxay bar bar socotay halganka Somaliland. 1965kii waxaa batay ardaydii ka soo baxaysay dugsiyada Hoose iyo dhexe iskuulo sarena waxaa jiray Sheekh iyo Camuud oo tiro yar oo ah 75 qaadan jiray, markaasi ardaydii mudaharaad ayay dhigeen, mudaharaadkaa ay ardaydu ku muujinayeen inay rabeen iskuulana rasaas ayaa lagala hor tagay halkaasina waxaa ku dhintay arday qaar kalena way kalena way ku dhaawacmeen.

Markii lixdankii la is wada raacay waxaynu ogsoonahay in Somaliland ay liqday Koonfurtii taasi oo sababtay in wax walba ay ka soo go’aan Koonfurta. Taasi waxay sababtay in Koonfur wax wal oo horumar ah laga dhiso.

Mudaharaadkaasi ay ardaydu dhigeen ka dib ayay go’aansadeen in la dhiso dugsiga sare ee Gacan libaax. Sida aynu wada ogsoonahay 1960 ilaa 1991 may jirin wax jaamacad ah oo ku yaalay Somaliland, taasina waxaa dhalisay in wax walba laga dhiso koonfur, markaasina arday wal oo reer Somaliland ah oo doonaya inuu wax barto marka laga reebo 12 arday oo ka soo bixi jiray labada dugsi ee Sheekh iyo Camuud oo ah ardayda ugu fiican mooyaane oo waxbarasho sare u tagi jiray dalka Ingiriiska inta kale waxay tagi jireen Koonfur.

Waad garan kartaana inan arday ah oo Somaliland ka tagay oo Koonfur waxbarasho u doontay kharashkiisa, wehel la’aantiisa iyo dhibta ay leedahay. Markaasi ayay dadkii reer Somaliland ahaa u bixiyeen qurbe nacas. Halgankii tacliinta loo galay waxaa kale oo ka mid ahaa ururkii dhalinyartii UFFO oo aan anigu ka mid ahaa oo ay halkanina manta joogaan xubno kale, qaar ka mid ahina ay Macalimiin ka yihiin halkan sida Xusseen Maxamed Ducaale (Prof.Berberaawi) oo halkani taagan. Ujeedada ugu wayn ee dhalinyarta UFFO aanu u samaynay waxay ahayd inaanu dhalinyarta reer Somaliland tacliintooda wax ka qabano taasi oo la dayacay oo dawladii Koonfur dayacday sida aan horeba u soo sheegay, oo macalimiintoodii iyo qalabkoodiiba Koonfur loo wareejiyay.

 Taariikhda waxaan u malaynayaa inaad wada haysaan markii xabsiga loo taxaabay dhalinyartii UFFO, dhagaxtuurkii ka dhacay bishii labaad 1982 taasina ay sababtay in ardaydii dhagaxtuurka samaysay ay dhimasho iyo dhaawacba soo gaadheen. Markaasi halganka Tacliinta Somaliland mar walba wuu barbar socday halkii xoriyad la soo noqoshada, waanad ogtihiin inay tacliintu lagama maarmaan u tahay nolosha binu aadamka. Markii aynu la soo noqonay xoriyada 1991, ee aynu naf iyo maalba u hurrnay wixii ku dhintay ilaahay ha u naxariisto, wixii ku naafoobay iyo wixii dhibaato ka soo gaadhay, ku dhaawacmay, ku hanti belay ilaahay tacwiid ha ka siiyo.

Markaasi anigu qurbojooga ayaan ka mid ahay, sida aynu wada ognahayna qurba joogu door aad iyo aad u qiimo leh ayay halgankii hubaysnaa iyo dhismihii iyo horumarintii dalkaba laga bilaabo 1991 ka qaateen. Maanta waxaan jecelahay inaan ka waramo fikirkii ugu horeeyay ee ay jaamacadani Hargeysi ku timid. Bishii July 1997 shir ayay qurbojoogu ku qabteen magaalada London collegeka la yidhaa “TOWER HAMLETS” ee London ku yaala, shirkaasina waxaa loogu mahad naqayay macalimiintii hore ee reer Somaliland qaar markaasi noolaa iyo qaar kaleba sida Maxamuud Axmed Cali, Gaandhi, Yuusuf Xaaji Aadan, Maxamuud Cali Shire, iyo kuwii ajaanibka ahaaba oo uu ka mid yahay odayga la yidhaa Rechard Darlington oo aan mardhaw wax ka sheegi doono taariikhdiisa iyo doorka uu ka qaatay waxbarashada Somaliland.

Waxaa xafladani qaban qaabiyay oo loogu mahad naqayay odayaashaa tacliinta Somaliland horsed u ahaa waxaana qaban qaabiyay Dr. Sacad Cali Shire iyo Dr. Yuusuf Cumar Cali. Anigu waxaan ka mid ahaa ragii ka jeediyay hadalka topicga aan ka hadlayayna waxa uu ahaa sidii Somaliland looga samayn lahaa Modern Education. Dad badani waxay la yaabeen Eid Calisalaan oo ka hadlayay Tacliinta waayo waxaan ahaa Banker, laakiin markii aan ka mid noqday qurbajooga UK ayaan u wareegay xaga tacliinta. Shirkaasi waxaa kale oo ka soo qayb galay Foosiya Xaaji Aadan oo mudo dabadeed Foosiya ay si geesinimo ah waxay u bilawday sidii jaamacadani Hargeysa loo samayn lahaa oo waynu wada ognahay hawsha ay ka qabatay waanay ku mahadsantahay. Maantana waydinkaa arkaya halka ay Jaamacadu marayso waana wax ilaahay loogu mahad naqo. Waxaan kale oo aan ka qayb galay xaflad ay soo qaban qaabiyeen labaatan engineer oo ka qalin jabiyay jaamacada Gollis. Markaasi waa Engineeradii ugu horeeyay wadanka oo ah Civil Engineering. Xafladaasi waxay ahayd xaflad aad iyo aad u qiimo badan markaasi waxaa wax aad loogu farxo ah iyada oo ay tahay markii ugu horeysay ee Somaliland u suurto gashay inay ka qalin jabiyaan labaatankani injineer inaga oo og inay maanta Somaliland u baahan tahay injineero. Markaasi waxaan aad iyo aad ugu hanbalyeynayaa jaamacada Gollis sida ay ugu dadaaleen inay soo saaraan labaatankaasi injineer oo ay qaar kalena daba socdaan.

TALO SOO JEEDIN

 Aad baan u hanbalyaynayaa dhamaan ardayda ka qalin jabisay jaamacada dalka Somaliland waxaanan si gaar ah u hanbalyaynayaa facultiga Law ga jaamacada Hargeysa oo ay ka qalin jabiyeen 25 gabdhood. Waxaynu ognahay in dadkeena badhkii uu yahay dumar taasina ay kordhin doonta aqoontooda sharci, markaasi wixii aanu la qaban karnana waanu la qaban doonaa. Waxaan iyadna aad u farxad ah inay maanta jaamacadani Hargeysa ay ka qalin jabiyeen shan iyo tobankii ugu horeeyay ee Dhakhaatiir ahaa.

Waxaa iyadna jirta in Jaamacada Camuud ay sanadkani ka qalin jabiyeen sagaal Dhakhtar iyada oo ay ka qalin jabiyeen labadii sano ee hore min lix dhakhtar. Markaasi waxaa maanta iyadna aad u farxad ah in maanta uu dalku haysto dhakhaatiir da’yar iyada oo uu xaga manhajka iyo waxbarashadaba uu ka caawiyo college ka ingiriiska ku yaala ee la yidhaa “LONDON UNIVERSITY – KINGS COLLEGE”. Waxaan ardayda jaamacadaha dalka ka qalin jabisay idinkula talinayaa inaydaan waxbarashada ka hadhin oo waxaa tusaale idiinku filan scholarship kani aanu wadno ee aan xaga hoose ku sheegi doono oo laga yaabo inay qaarkiin ka mid noqdaan.

Markaasi waxaan idinkula talinayaa inaad sii wadaan waxbarashadiina si aad u qaadataaan shahaadooyin sar sare sida Master Degree, iyo PHD oo aad takhasus aad u yeelataan qaybahaasi aad barateen.

Waad nasiib wanaagsan tihiin inaad dalkiinii hooyo aad wax ku barataan, waxaanad tihiin creamkii dalka waxaana la idiinka fadhiyaa inaad wax badan ku soo kordhisaan horumarka wadankeena. Waxaan idiin sheegayaa oo aan idin xasuusinayaa waano uu u jeediyay dadkiisa madaxweynihii hore ee maraykanka John F.Keneddy oo uu ku yidhi “Don’t ask what your country can do for you but ask what you can do for your country” oo macnaheedu yahay ha is waydiin wixii dalkaagu uu kuu qabanayo ee is waydii waxaad dalkaaga u qabanayso.

Waxaa kale oo aan maanta idiin sheegayaa inaydaan noqon una qalmin kuwa ku fikiraya inay tahriibaan sababta oo ah waxaad tihiin aqoontii dalka waanad ogtihiin inuu dalkeenu yahay dal hodana oo ilaahay ku manaystay khayraad aad u fara badan markaasi waxaa haboon inaad ku fikirtaan sidii aad khayraadkaasi ula soo bixi kartaan. Taasi oo la idiinka fadhiyo inaad noqotaan dad wax abuuri kara, Mashaariic samayn kara sida maanta ay wax yihiina waanad noqotaan dad wax ka badali kara halka maanta dalku taagan yahay taasi oo aad aqoonteedii haysaan.

Dalkani aad maanta wax ku barateen dad baa u dhintay maalkoodii u huray, qaarbaa ku naafoobay, markaasi inaad dalkani aad ka carartaan oo aad tidhaahdaan waan tahriibaynaa anigu waxaaban u arkaa inay danbi tahay. Anaga (UFFO) inta aanu dibadaha wax ku soo baranay oo aan ganacsigaygii dibadaha aanu ka nimid ayaanu ku soo noqonay dalka si aanu dadkeena oo la cadaadiyay aanu wax ugu qabano.

Markaa waxaa la idiinka baahan yahay sida aanu anagu (UFFO) dalka wax ugu qabanay inaad idinkuna wax u qabataan oo aad ururo samaysataan ood la kaashataan dawlada, ganacsatada, aqoonyahanka, ururada caalamiga ah iyo kuwa localka ahba. Aniga waxay ila tahay in ardayda ka qalin jabisay jaamacadaha Somaliland in lagu soo rogo shaqo qaran ugu yaraan lix ilaa hal sano sida ardayda dhakhaatiirta ah loogu soo rogo, iyaga oo la siinayo wax ku filan marka ay dhameeyaan shaqadaasina ay shaqooyinkooda iska qabsadaan. Anigu waxaan ahay gudoomiye ku xigeenka Wales Refugee Council markaasi waxaan ogahay in maanta ay Yurub xidhatay albaabadii oo aanay aqbalin wax qaxooti ah. Xataa hadii lagu aqbalo waxay qaadanaysaa mudo inaad nolosha la qabsatid. Markaasi yaan laga dhigin campaign siyaasadeed inaad dalka ka tahriibaysaan ee idinku waa inaad garataan inaad wax qabsan kartaan oo aad dalka iyo dadkiinaba wax u qaban kartaan. Markaasi ninka idin leh dalka waxba ma yaalaan ee iskaga tahriiba waa nin aan dalkani lexejeclo ka lahayn oo aan ogayn halka ay dunidu maanta marayso.

Waxaan maalin dhawayd la kulmay Maxamed Yusuf Aw Cali (Culimo) oo aanu mar kasta oo aan dalka yimaadaba aan la kulmi jiray waxaanu gudoomiye u ahaan jiray dalada midawga dhalinyarada ee SONYO. Markii aan la kulmay dohorkani ayaan waydiiyay waxa uu qabto maadaama oo gudoomiye nimadii laga wareejiyay, markaasi waxaa uu ii sheegay inuu Medicine jaamacada Hargeysa uu ka dhameeyay oo uu Dhakhtar yahay. Arintani run ahaantii aad bay iiga farxisay waxaana aan aad ula yaabay ninkani Culimo oo ahaa nin aad u mashquula oo ka shaqayn jiray ururada dhalinyarada ee hadana Medicine dhameeyay ee maanta dhakhtarka ah.

Markaasi waxaan idin kula talin lahaa inaad ku dayataan ninkaasi Culimo oo Role Model run ahaantii idiin noqon kara. Tani waxay ina tusaysaa inuu ilaahay ina siiyay awoodo badan laakiin aynaan sidii loogu talo galay uga faa’iidaysanin.

Mida kale maanta waxaad tihiin shaqo doon, shaqooyinkiina maanta dalkeena way ka jiraan markaasi waxaad ogaataan in dalkeena ay shaqo taalo. Markaasi muhiimadu waxay tahay in qof waliba sida uu wax u abuuro ay ku xidhan tahay. Qaar kiin waxaad samayn kartaan Ganacsi, iyo wax abuuris. Markaasi ma fiicna inaad marka aad jaamacadaha dhamaysaan aad dibada u carartaan, aniga oo in badan ka shaqaynayay arimaha qaxootiga khibrad badana u leh dibadaha. Markaasi waxaan idin kula talin lahaa inaad horumarisaan oo aad aqoontiina ku dabaqdaan waxaad haysaanba.

Gabagabadii, waxaan idinkula talinayaa inaad codsataan meel kasta oo aad shaqo ka heli kartaan sida haayadaha, Xarumaha dawlada, NGOyada, si aad uga heshaan khibrad shaqo. Aniga oo khibrad aqooneed u leh wadamada dibada sida Ingiriiska, ma jirto qof inta uu jaamacad uun dhameeyay markaasiba shaqo la siiyo. Waayo, muhiimada koowaad waxay siiyaan khibrada uu qofku shaqo u leeyahay iyo meelaha uu ka soo shaqeeyay ee uu xataa si mutadawacnimo ah uu uga soo shaqeeyay. Sidaasi darteed ayay jaamacadaha aduunka ku yaalaa ay ardayda inta aanay dhamaysan waxbarashada ay u diraan meelo uu ka shaqeeyo si uu khibrad shaqo uu u korodhsado. Markaasi aniga oo khibrad u leh “Human Resource Management” waxaan diyaar u ahay inaan idinla taliyo, qofkii talo u baahana uu igala soo

xidhiidho Email: eid_consultancy@yahoo.co.uk .

Waxaa kale oo aan aad ugu soo jeedinayaa maamulka jaamacadaha Somaliland inay sameeyaan Career Centre, si ardayda dugsiyada sare dhamaysatay iyo kuwa jaamacadaha ku jiraba loola taliyo sidii ay u baran lahaayeen qof waliba waxaa uu ku wanaagsan yahay.

GONVILLE AND CAIAUS COLLEGE, CAMBRIDGE: DARLINGTON STUDENTSHIPS

Sidaan hore u soo sheegay Rechard Darlington waxa uu ka mid ahaa macalimiintii ugu horeeyay ee tacliinta Somalilaand ka qayb qaata isagu waxaa uu ahaa nin ingiriis ah laakiin waxaan ku tilmaami karaa Aabaha Tacliinta Somaliland waxaanu ka soo shaqaynayay mudo badan oo ah 25 sano. Halkani kuma wada sheegi karo taariikhdiisii hase ahaatee waxa uu ahaa nin naftiisa,iyo maalkiisaba u huray tacliinta Somaliland. Sanadkii hore oo aanu halkani ugu qabanay xaflada aanu kaga sheekaynayno isaga. Ninka ugu da’da wayn ardaydiisii waxa uu ahaa gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee Siilaanyo, raga ugu da’da yar ardaydiisiina waxaa ka mid ahaa Dr. Fadal. Rechard Darlington waxaa uu ku geeriyooday UK sanadkii 2007 waanan ka qayb galay aaskiisii. Rechard Darlington markii aan anigu tacliinta sare ku baranayay maraykanka iyo UKba waxa uu ka gaystay gacan. Markaasi anigu waxaan la lahaa xidhiidh joogto ah. Mudo dabadeed dhimashadiisii ayay ii yeedheen qoyskiisii, markii aan la kulmayna waxa ay ii sheegeen inuu odaygii ka tagay hanti dabadeedna ay yidhaahdeen waxaan doonaynaa inaanu wax kaga qabano tacliinta Somaliland qayb ka mida maalkaasi uu ka tagay, waxaanay ii sheegeen inay u qoondeeyeen 250,000 pound oo wakhtigaasi ku dhawayd lacag gaadhaysa haaf million Dollar. Markaasi odayga Rechard Darlington waxaa uu ka soo baxay Jaamacada Cambridge, markaasi waxay ii sheegeen qoyskoodii inay rabaan in ardayda ugu fiican ee ka soo qalin jabisa dugsiyada sare ee Somaliland ay yimaadaan Jaamacada Cambridge, laakiin anigu waxaan u sheegay inaanu hada leenahay jaamacadu wanaagsan, markaasi ay ka dhigaan in ardayda jaamacadahayagaasi ka qalin jabisa kuwa ugu wanaagsan ay waxbarashadaasi bilaashka ah ugu diraan jaamacadaasi Cambridge. Websiteka collegeku waxa uu warbixin ka bixinayaa scholarshipkani ay ugu deeqeen qoyska R.R.Darlingon oo loogu talo galay in la siiyo ardayda ugu fiican ee ka qalin jabisa jaamacadaha Somaliland si ay deeq waxbarasho oo Master ah ugu soo bartaan Jaamacada Cambridge. Waxbarashadani waxaa markii u horaysay la bilaabayaa 2009. Scholarshipskani waxaa uu u furan yahay ardayda ka qalin jabisa Jaamacadaha Somaliland kuwaasi oo dhamaystay shahaadada Degree Program. Waxaa shuruud ah in ardayga la soo doorto ay aqbalaan gudida Jamaacada Cambridge. Foomamka codsiga lagu buuxinayo waxaa laga heli karaa xoghaynta gudida jaamacada ee tacliinta sare, 4 Mil Lane, Cambridge CB2 1RZ ama waxaa laga download garaysan karaa website ka (http://www.admin.cam.ac.uk/officies/gadstud/). Ardayda codsanaysaa waa inay ka soo qalin jabiyeen mid ka mida Jaamacadaha Somaliland waa inay ahaadaana arday tayada waxbarashadoodu ay aad u sarayso. Bixinta deeqdani waxay ku xidhan tahay in ardaygu uu haysto natiijo aad u saraysa imtixaanka qalinjabinta Jaamacada. Mudnaanta koowaad waxaa la siinayaa ardayda u tartamaysa deeqdani ee ay doortaan college gudida waxbarasho ee Gonville and Caius College. Ardayda ku guulaysta deeqdani waxay xubno ka noqonayaan College ka waxaanay xaq u leeyihiin inay ku noolaadaan College ka hadii aanay xaas lahayn sanadka ugu horeeya ee ay jaamacada Cambridge joogaan. Ardayda xaasaska leh waxa la dejin doonaan college ka dhexdiida. Cida rabta inay tabaruc u samayso deeqdani waxbarasho ha la xidhiidhaan Gonville and Caius College. Markaasi waa wax ilaahay loogu mahad naqo in dadkaasi ajaanibka ahi ugu deeqaan lacagtaasi ardaydeena reer Somaliland. Jaamacadaasi oo aad u saraysa ee inala soo xidhiidhay sharaf iyo horumar badan ayay u soo jiidaysaa reer Somaliland. Qofka jaamacadaasi gala waxaa ku baxaysa sanadkii lacaga ku dhaw 100,000 USD (boqol kun oo dollar) markaasi waxaa lagu bilaabayaa hal qof laakiin waxaa lagu talo jiraa sidii loo kordhin lahaa oo fund raising loogu samayn lahaa markaasi waxaan la hadlay dad badan oo reer Somaliland ah dibad iyo gudaba. Markaasi waxaa halkani ka hadlay madaxdii dahabshiil iyo Telesom oo si badan u taageera jaamacada Hargeysa oo arday badana taageera. Markaasi waxaan dadka reer Somaliland u soo jeedinayaa inay ku dadaalaan inay fund raising la mida intaasi qoyskaasi ajaanibka ahi reer Somaliland ugu deeqeen ay tujaartoodu ugu deeqaan, waananu la xidhiidhi doonaa iyaga iyo qurbajoogaba. DARLINGTON (GACMADHEERE) FOUNDATION Waxaa kale oo aan qoyskani isla garanay oo aanu hir galinay inaanu samayno Darlinglon (Gacmadheere) Foundation ujeedooyinkiisuna yihiin: 1. Ardayda reer Somaliland ee dhamaysta waxbarashada dugsiyada sare ee aan awood u lahayn inay iska bixiyaan jaamacado kuwa natiijada imtixaanka meel fiican ka gala inaanu ka bixino Feega Schoolka. 2. Inaanu ka shaqayno horumarka tacliinta Somaliland 3. Inaanu xoojino xidhiidhka Somaliland iyo boqortooyada Ingiriiska Qodobkaasi sadexaad oo iyada oo uu jiray xidhiidh dheer oo boqolaal sanadood ah oo ka dhexeeyay Somalialnd iyo Ingiriiska. Waxaa jirta in faransiiska oo aan xidhiidh badan Somaliland la lahayn taariikh ahaan uu halkani ka furtay center xidhiidhinaya Somaliland iyo Faransiiska. Markaa waxaa uu Foundation kani ku talo jiraa inaanu furno Center sidaasi oo kale ah oo ka dhexeeya Somaliland iyo Great Britain oo xidhiidh dheer lahaa. Foundationkani Darlington (Gacmadheere) Foundation waxaanu isagana samaynaynaa Fund Raising gudaha Somaliland iyo dibadaba ah qurba jooga Somaliland iyo dadka kale ee ajaanibka ah iyada oo ay u badan doonto dadka ku nool UK, taasina waxaanu la kaashan doonaa qurbajooga Somalialnd iyo kuwo ajaab ahna gaar ahaan dadka Britishka ah. Bisha September 1deeda haddii Alleh yidhaa waxaanu xaflad balaadhan ka samaynaynaa magaalada Abu Dabay oo aanu kaga warbixinayno Cambridge University Scholarship iyo Darlington (Gacmadheere) Foundation, taasina waxaa qaban qaabadii ku jira rag badan oo aanu axsaab nahay oo ah ardaydii uu wax baray Darlington oo maanta ka haya mansabyo wanaagsan United Arab Emirates. Haddii Alleh yidhaa waxaa kale oo aan ku talo jirnaa inaanu Website u samayno Foundation ka si macluumaadka iyo horumarka Foundationks loogala socdo. Qofkii faahfaahin uga baahan scholarshipska iyo Foundationkaba ama talo la xidhiidha xaga tacliinta iyo tabarkaba way ila soo xidhiidhi karaan.

Eid Ali Salaan Ahmed

Human Resource Development and Management Expert and Chartered

Fellow of UK Chartered Institute of Personnel Development Deputy Director of Welsh Refugee Council

Email: eid_consultancy@yahoo.co.uk

Email this story Email this story

By


Readers Comments (1)

  1. Farhan(oday) says:

    Aad iyo aad ayaad umahadsantahay adeer iid. Run ahaantii arday ahaan waa fursad qaaliya in aanu helno jaaniskan oo kale. Waxaanu dareemanaynaa in ay jiraan dad noo maqan oo jecel horumarka dayartooda soo koraysa.

    Aniga oo kamid ah ardaydii sanadkan kabaxay jamacada hargeisa, in badana akhristay maqaaladaada, dhagaysanayayna hadalkii aad kajeedisay jamacada Hargeisa, waxaan diyaar u ahay in aan kaqaybqaato helida fursadan dahabiga Insha Allah.

    Waan umahadnaqaayaa macalin Rechard Darlinton(gacmadheere) iyo qoyskoodaba, sida ay awalba udhiseen aqoontii Somaliland, hadana ay diyaar uyihiin in ay dhisaan aqoonta dayarta usoo kobcaysa Somaliland.

    IId waad kumahadsantahay Jacalyka dayartaada.

    Farhan(oday)
    Hargeisa, Somaliland

     Reply